Warar aan helnay ayaa sheegaya in madaxda dowlad goboleedyada dalka ay xalay ku wadahadleen khadka taleefanka, iyagoo isu soo dhowaansho ka muujiyay aragtiyadii kala foggaa, sida aan xogta ku helnay.
Waxaana la filayaa in dhammaadka bishan shir la isugu yimaado, waxaana ay u badan tahay in shirkaas uu ka dhaco magaalada Baydhaba ee K/Galbeed, inkastoo aan weli la isku raacin goobta.
Wadahadallada xalay khadka Taleefanka ku dhex maray shanta Madaxweyne goboleed ayaa waxaa soo qaban qaabiyay Madaxweynaha K/Galbeed Cabdicasiis Lafta Gareen.
Lafta Gareen ayaa muddooyinkii dambe waday dadaaooyinka dalka, waxayna rajadaan cusub soo baxday markii uu si gaar gaar ah wadahadallo ula yeeshay madaxda kale ee maamul goboleedyada dalka.
Sidoo kale waxaa jira dadaal xoog leh iyo u kala dab qaadis ay wadaan xubnaha Beesha Caalamka oo uu ugu horeeyo wakiilka Qaramada Midoobey James Swan, si looga guul gaaro xalinta caqabadaha ka taagan doorashooyinka.
Doorkan uu qaaray Madaxweyne Lafta Gareen waxaa horay ugu fashilmay madaxweynaha Galmudug Axmed Qoor Qoor oo mar isku deyey inuu isu keeno dhinacyada isku haya doorashada, balse goor dambe waxaa ka soo yeertay inuu ku guul dareystay taas.
Khilaaf culus ayaa weli ka taagan hir-geinta doorashooyinka dalka, waxaana mar hore dhamaaday mudo xileedkii baarlamaanka dalka, halka kan madaxweynuhu uu gabaabsi yahay.