Khasaaro dhmasho iyo dhaawac ah ayaa ka dhashay weerar bambaano oo lagu qaaday Hoyga uu Magaalada Baydhabo ku leeyahay Taliyaha Ciidamada Asluubta Soomaaliyeed Korneyl Mahad Cabdiraxmaan Aadan.
Goobjoogayaal ayaa waxaa ay sheegeen in hal ruux uu geeriyooday ilaa laba kale oo Shacab ah ay ku dhaawacmeen, kadib markii weerar bambaano lagu qaaday hoyga Taliyaha Ciidamada Asluubta Soomaaliyeed, kaas oo ku yaal kasoo horjeedka Garoonka Kubadda Cagta DR Ayuub ee Magaalada Baydhabo.
Weerarka bambaano kadib ayaa waxaa la maqlayay rasaas ay ridayeen Ciidamo ku sugan Guriga,waxaana rasaastaas dhaawac culus oo kasoo gaaray u geeriyootay Gabar dhalinyaro ah oo lagu magacaabi jiray Xanaan Barre.
Ciidamo ka tirsan kuwa Booliska Maamulka Koon fur Galbeed ee ka howlgalla Magaalada Baydhabo ayaa waxaa ay sameeyen howlgallo soo gaaray ilaa saaka, kaas oo ay ku baadi goobayaan dadkii ka dambeeyay weerarka bambaano.
Magalada Baydhabo ayaa waxaa ay kamid tahay meelaha ugu amniga wanaagsan magaalooyinka Koonfur Galbeed, waxaana ku sugan Ciidamada dowladda, kuwa Koonfur Galbeed & Ciidamo Itoobiyan ah oo ka tirsan AMISOM.