Ku dhawaad 20 ruux ayaa ku geeriyootay 150 raqdooda iyo ruuxooda ayaa la la’yahay kadib markii uu dumay baraf sida dhagaxii u samaysmay oo kasoo go’ay dusha sare ee buurta Himalaya qeybta dalka Hindiya.
Dawlada Hindiya waxay sheegtay in barafkaan soo go’ay uu dhaliyay daad ka dhashay roob saacado badan ka da’ayay gobolka Uttarakhand ee waqooyiga Hindiya.
Dadka geeriyooday iyo kuwa dhaawacmayba waxay u badanyihiin shaqaale ka shaqeeya warshado koronto oo degaanka ku yaala.
Kooxaha gurmadka ayaa dadka la’yahay ka raadinaya webi degaanka ku yaala oo la aaminsanyahay inuu qaaday.