Madaxtooyada Soomaaliya ayaa qoraal kooban ka soo saartay kulan uu maadxweyne xafiiskiisa kula yeeshay guddoonka golaha shacabka.
Guddoomiye Maxamed Mursal iyo labadiisa ku xigeen Cabdiwali Muudey iyo Mahad Cabdalla Cawad ayaa qoraalkan lagu sheegay inuu madaxweynuhu kala hadlay xaaladda siyaasadeed ee dalka.
“Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo iyo Guddoonka Golaha Shacabka ayaa wadahadallo ku saabsan xaaladaha dalka ku yeeshay Madaxtooyada Qaranka, waxayna diiradda saareen sidii doorasho ay dalka uga dhici lahayd,” ayaa lagu yiri qoraalkan oo hadda ka soo baxay Villa Somalia.
Madaxweyne Farmaajo oo 15-ka bishan shir kale isugu yeeray madax goboleedyada
Qoraal ka soo baxay madaxtooyada Soomaaliya ayaa lagu shaaciyey in shir kale uu madaxweyne Farmaajo isugu yeeray madaxda dowladda federaalka, kuwa dowlad goboleedyada iyo gobolka Banaadir, kaas oo la qorsheeyey inuu dhaco 15-ka bishan, kana dhici doona magaalada Garowe ee xarunta maamulka Puntland.
“Madaxweynaha JFS Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa shir ku saabsan arrimaha doorashooyinka isugu yeeray Madaxda Dowlad Goboleedyada iyo Gobolka Banaadir. Shirkan oo ka furmaya 15ka bishan Febaraayo magaalada Garoowe ee Dowlad Goboleedka Puntland, waxa uu dhameystir u yahay fulinta heshiiskii ay Golaha Wadatashiga Qaran ku gaareen magaalada Muqdisho 17kii Sebteembar 2020,” ayaa lagu yiri qoraalka.
Qoraalka Villa Somalia ayaa intaas ku daray, “Dowladda Federaalka Soomaaliya waxay sii xoojinaysaa dadaalkeeda ku aaddan sidii dalka looga hirgelin lahaa doorashooyinka, loogana wada hadli lahaa arrimaha lagu kala aragti duwan yahay, iyada oo aasaasku yahay dhaqangelinta heshiiskii ay ansixiyeen Golaha Shacabka iyo Aqalka Sare 26kii Sebteembar 2020.”
RW Rooble oo war ka soo saaray shirka uu iclaamiyey MW Farmaajo
Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Xuseen Rooble ayaa soo dhaweeyey Shirka Wadatashiga Arrimaha Doorashooyinka ee ku qabsoomaya 15-ka bishan magaalada Garoowe ee Dowlad-goboleedka Puntland.
Ra’iisul Wasaaraha ayaa sheegay in Xukuumaddu ay dadaal mug leh ku bixinayso fududeynta shirkan iyo sidii loo dardar gelin lahaa fulinta Heshiiskii 17-ka Sebteembar 2020 ee hagayay hannaanka doorashooyinka dalka, ayna meel mariyeen Labada Aqal ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya.
Ra’iisul Wasaare Maxamed Xuseen Rooble ayaa tilmaamay doorka wax-ku-oolka ah ee ay qaadaneyso Xukuumadda uu hoggaaminayo, kaas oo ku saleysan isu-soo dhaweynta aragtiyaha kala duwan ee fulinta Heshiiska Doorashooyinka ee horey loo ansixiyey iyo sidii loogu midoobi lahaa marxaladdan muhiimka u ah geeddi socodka siyaasadeed ee dalka.