Wasaaradda Arrimaha Dibadda Mareykanka ayaa markii ugu horeysay si rasmi ah uga hadashay khilaafka raggaadiyay arrimaha doorashooyinka ee dalka.
Edward Price, Afhayeenka Wasaaradda Arrimaha Dibadda Mareykanka ayaa sheegay in Mareykanka uu ka walaacsan yahay is mari-waaga ka taagan doorashooyinka Somaliya.
Afhayeenka ayaa tilmaamay in xalka uu mar walba yahay mid gacanta ugu jira Madaxda Soomaalida.
โInkastoo ay arrintan tahay mid xalkeeda uu u yaalo Soomaalida, haddana Mareykanka waxa uu u arkaa doorashada oo si deg deg ah loo hirgeliyo mid muhiim u ah mustaqbalka Somaliya.โ Ayuu yiri Afhayeenka.
Waxa kaloo uu yiri โHeshiis waala gaari karaa, waxaana ugu baaqeynaa hoggaanka Somaliya in ay deg deg u bilaabaan wadahadalada, si ay doorasho u dhacdo.โ
Afhayeenka ayaa intaasi ku daray โDib u dhac ku yimaada doorashada waxay khatar gelin kartaa xasilloonida dalka, Mareykanku waxa uu ka soo horjeedaa cid kasta oo colaad adeegsaneysa. Waxaa naga goโan inaan horumarino dimoqraadiyadda Somaliya, waxaana dooneynaa in Soomaalida ka faaโiidaan xasillooni waarta, barwaaqo iyo nabadda ay mudan yihiin.โ
Golaha Midowga Musharaxiinta ayaa sheegay inaanay Maxamed Cabdullaahi Farmaajo u aqoonsaneyn Madaxweynaha Jamhuuriyadda.
Muddada xilhaynta ee Madaxweyne Farmaajo ayaa ku ekeyd 8-dii bishan, xilli aanu jirin waqti la ogyahay oo doorashada ay dhici doonto.
Mareykanka oo ka hadlay khilaafka raggaadiyay doorashooyinka dalka
previous post