Senatorkii Ismaamul Goboleedka Garissa ee gobolka waqooyiga Bari Kenya Mudane Maxamed Yuusuf Xaaji ayaa goordhow ku Geeriyooday magaalada caasimada ah ee Nairobi, sida ay ehelkiisa u xaqiijiyeen Universal Tv.
Mr Xaaji oo ahaa sidoo kale gudoomiyaha guddiga warbixinta mideynta Kenya ee BBI-da ayaa mudooyinkii la soo dhaafay xanuunsanayay, iyadoo sanadkii hore loo daaweyn caafimaad loogu qaaday dalka turkiga ka hor inta aan dib loogu soo celin gudaha Kenya.
Xanuunka Senatarka Garissa oo sii siyaaday ayaa keentay in la dhigo isbitaalka Agha Khan ee magaalada Nairobin oo uu Aroornimadan ku Dhintay.