Turkiga ayaa u yeeray safiirka Mareykanka u fadhiyo Ankara kadib caro ka dhalatay hadal kasoo baxay Mareykanka oo ku saabsanaa dilka 13 qof oo u dhashay dalkaas oo u afduubnaa maleeshiyaadka PKK ee ka dagaallama halkaas.
Madaxweynaha Turkiga Recep Tayyip Erdogan ayaa ku eedeeyay Mareykanka in uu taageerayo argagixisada isla markaana uu garab siinayo maleeshiyaadka Kurdiyiinta.
Turkiga wuxuu ku eedeeyay dilka 13 qof inay ka dambeeyeen kooxda PKK.
Mareykanka wuxuu sheegay in uu cambaareynayo dilka waa haddii la xaqiijiyo in kooxda PKK ay ka dambeysay dilkaas.