Golaha Amaanka Qaramada Midoobay ayaa ku boorriyay Isniintii Dowladda Soomaaliya iyo dhinacyada kale oo ay quseyso in si dhakhse ah leysugu raaco taariikhda doorashada, iyagoo ka digay dib u dhac kale oo doorasho.
Ku-simaha Wakiilka Mareykanka ee Qarramada Midoobey Richard Mills ayaa sheegay in ay codsanayaan in si deg deg ah loo xaliyo jahwareerka siyaasadeed, isagoo yiri rabshadihii siyaasadeed ee usbuucii la soo dhaafay ka dhacay waddooyinka caasimada Muqdisho yihiin kuwo horseedi kara guul darro siyaasadeed. . โ
Ugu yaraan shan askari ayaa la dilay in kabadan toban qof oo u badnaa dad shacab ah ayaa ku dhaawacmay banaanbaxyadii rabshadaha watay ee dhacay Jimcihii la soo dhaafay ee looga soo horjeeday dib u dhaca doorasho
Madaxweynaha dowladda Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo waxaa saaran cadaadis muddo xileedkiisu dhamaaday iyadoo aysan jirin doorasho leysku raacsan yahay.
Wkiilka Qarramada Midoobey ee Soomaaliya James Swan ayaa dhankiisa khudbad uu jeediyay ku sheegay in Soomaaliya xiligan ka jirto xaalad cakirnaan siyasadeed ah.
Dhanka kale Siihayaha Wakiilka dowladda Mareykanka u qaabilsan Qaraamda Midoobay Richard Mills, ayaa hoosta ka xarriiqay muhiimadda ay leedahay in la hirgeliyo hanaanka doorashooyinka Soomaaliya.
Richard Mills oo hadal ka jeediyay shirka Golaha Ammanka ee Qaramada Midoobay ayaa ugu baaqay hoggaamiyeyaasha Soomaalida in ay xal deg deg ah ka gaaraan arrimaha doorashooyinka kana Shaqeeyaan Nabadda iyo Xasiloonida waddanka
Waxaa uu hadalkiisa uu intaasi ku daray in shaqaaqooyinkii ka dhacay 19-kii Bishaan Muqdisho ay horseedi karto halis kale iyo in wadanka hubinti laโaan kale,taasina uusan aqbaleyn Mareykanka.
Safiirka dowladda Ireland u fadhida Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay Amb. Byrne Naso ayaa si kulul uga hadashay rabshadihii maalmo kahor ka dhacay Magaalada Muqdisho ee u dhexeeyay Ciidanka dowladda iyo kuwa daacad u ah Musharaxiinta.
Safiir Amb. Byrne Naso oo ka hadleysay kulankii Golaha Ammaanka xalay ka yeeshay xaaladda Soomaaliya ayaa waxaa ay sheegtay in waddooyinka Muqdisho laga maqlayay dhawaqa hub culus oo aan lagu rideyn Al-shabaab, isla markaana loo ridayay danno siyaasadeed.
Dowladda Federaalka ayey ku eedeysay Byrne Naso inay Awoon Ciidan u adeegsatay dad banaanbax ka waday Magaalada Muqdisho oo ula jeeday banaanbaxayaal ay hoggaaminayeen Musharaxiinta Madaxweynaha qaarkood oo la rasaaseeyay.AKHRISO
โWaddooyinka Muqdisho maalmihii la soo dhaafay waxaa laga maqlayay dhawaaqa hub culus, laguma rideyn Al-Shabaab,laakiin waxaa loo ridaayay dano siyaasadeed, waxaan aragnay in Dowladda Federaalka ay ciidamo ku daadgureysay bannaan baxayaashaโayay tiri.
Mar ay Byrne Naso la hadleysay Wasiirka Arrimaha Dibadda Soomaaliya Maxamed C/risaaq ayaa tiri โWasiir, waxaan arkaa inuu shaashadda ka baxay, waxaan aaminsanahay inaad nala socoto. Wasiir, waxaan rabaa inaan tiraahdo waa idinku raacsan nahay in rabshadahan aan la aqbali karin. waxayna dhaawaceysaa nabada, amniga iyo xasiloonida dalkaaga, waxay halis gelineysaa dadka rayidka ahโ.
Safiirka Ireland u fadhida Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay ayaa ugu baaqday Madaxda SOomaalida inay xal ka gaaran xaaladda cakiran ee dalka iyo khilaafka ka taagan qabsoomida doorashada Soomaaliya, isla markaana laga fogaado wax kasta oo keeni kara khalalaaso iyo dib u dhac, lagana shaqeeyo nabadda .