Wakiilka Qaramada Midoobay u qaabilsan Arrimaha Soomaaliya James Swan iyo wafdi uu hoggaaminayo ayaa gaaray magaalada Kismaayo isagoo wadahadalo kula leh Madaxweynaha Jubbaland.
Madaxweynaha Maamulka Jubbaland Axmed Maxamed Islaam Axmed Madoobe iyo Wakiilka Qaramada Midoobay James Swan ayaa haatan waxaa uu kulan uga socdaa Xarunta Madaxtooyada, iyadoo kulankaas uu yahay mid gaar ah oo albaabada la isku xirtey.
Warar la helayo ayaa waxaa ay sheegayaan in James Swan uu sigaar ah Madaxweynaha Jubbaland ugala hadlayo ka qeyb galka shirka uu ku baaqay Madaxweynaha muddo xileedkiisu dhammaaday ee Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ee ka dhacaya Muqdisho.
Beesha Caalamka ayaa dadaal ugu jira sidii Madaxda Dowlad Goboleedyada Puntland iyo Jubbaland uga soo qeyb geli lahaayeen shirka Wadatashiga Muqdisho, si xal looga gaaro is mari waaga ka taagan hirgelinta hannaanka doorashada.
Shalay ayaa waxaa magaalada Garowe gaaray wafdi uu hoggaaminayay wakiilka Midowga Yurub ee dalka Soomaaliya.Iyadoo booqashada James Swane ee imanayso xilli u shalay ka sheegay shirka golaha ammaanka in dalka Soomaaliya uu wajahayo xaalad halis ah.