
Ra’iisal Wasaaraha Somaliya, Maxamed Xuseen Rooble oo shir wadatashi la qaatay Midowga Musharaxiinta ayaa tilmaamay in wadahadaladu ay ahaayeen kuwo miro dhal ah, oo ka tarjumaya biseylka siyaasadeed iyo u tanaasulka danta guud ee dalka.
Ra’iisal Wasaaraha ayaa ku boggaadiyay Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Somaliya, Madaxda Dowlad Goboleedyada Galmudug, Hirshabelle iyo Guddoomiyaha Gobolka Banaadir, dadaalada wax ku-oolka ah ee ay ku bixiyeen ka miro-dhalinta waanwaantan. Sidoo kale Ra’iisal Wasaaraha ayaa sidoo kale Madaxweyne-yaashii hore ee dalka, Xasan Sheekh Maxamuud, Sheekh Shariif Sheekh Axmed iyo Xubnaha Midowga Musharaxiinta uga mahadceliyay biseylka ay muujiyeen, si loo gaaro heshiiskan.
“Shacabka Soomaaliyeed waxaan ugu bishaareynayaa heshiiskan oo muujinaya, sida ay nooga go’an tahay ilaalinta xasilloonida iyo amniga dalka. Dowladdu waxa ay garowsan tahay ilaalinta sareynta sharciga iyo xuquuqda muwaadin kasta uu u leeyahay in uu cabiro fikirkiisa, waxaan rajaynayaa in aan dhammaanteen ka wada shaqeyno qabsoomidda doorashada.” Ayuu yiri Ra’iisal Wasaaruhu.
Ra’iisal Wasaare Rooble oo hor-dhigay masuuliyiinta uu la kulmay duruufaha amni iyo caafimaad ee dalka ka jira ayaa u soo jeediyey in dib loo dhigo bannaanbaxa maalinta Jimcaha, lagana wada shaqeeyo marxalad iyo waqti kale oo ku haboon, suurtagalna ah.
Rooble ayaa adkeeyay dadaalka dowladdu ay ku bixinayso badqabka caafimaad iyo amni ee muwaadiniinta Soomaaliyeed, iyadoo la dhowrayo xuquuqda dastuuriga ah ee qeexaya in muwaadin kasta uu xaq u leeyahay soo bandhigidda aragtidiisa siyaasadeed.
Rooble waxaa kulankan ku weheliyay Madaxweyneyaasha Dowlad Goboleedyada, Galmudug, Axmed Cabdi Kaariye, Hirshabeelle Cali Cabdullaahi Xuseen iyo Guddoomiyaha Gobolka Banaadir Cumar Maxamuud Maxamed.
