
Madaxweyne Maxamed Cabdulaahi Farmaajo ayaa ka tacsiyeeyay geeridii ku timid Allaha u naxariistee Madaxeynihii 4aad ee dalka Cali Mahdi Maxamed oo ku geeriyooday magaalada Nairobi.
Qoraal laga soo saaray Madaxtooyada geerida kadib muddo saacado ah ayaa u qornaa sidan;
Waxaan tacsi tiiraanyo leh u dirayaa qoyskii, qaraabadii iyo dhammaan ummadda Soomaaliyeed ee uu ka baxay Alle ha u naxariistee Madaxweynihii hore ee dalka
Marxuum Cali Mahdi Maxamed oo ku geeriyooday dalka Kenya.
Waa geeri xanuun badan oo si weyn ay u wada dareemeen shacabka iyo dowladda Soomaaliya.
Alle ha u naxariisto Madaxweyne Cali Mahdi, waxa uu door weyn ka soo qaatay dowladnimada dalka. Waxaan ku xasuusanaynaa sida ay uga goโnayd in dib loo sooceliyo dowladnimada Soomaaliyeed oo uu dadaal muuqda ku bixiyey.
Waxaan muddo saddex cisho ah hoos u dhigaynaa Calanka Jamhuuriyadda si aan u muujinno murugada geeridan ku timid Madaxweynihii hore ee dalka, iyadoo la magacaabayo guddi ka shaqeeya Aas-Qaran oo loo sameeyo Marxuumka, si loo maamuuso dadaalkii uu ku bixiyey dalka iyo dadka Soomaaliyeed.
Alle waxaan u weydiinayaa Marxuumka in uu hoygiisa ka yeelo Jannatul Fardowsa, samir iyo iimaanna uu ka siiyo qoyskiisa iyo guud ahaan Dowladda Soomaaliyeed ee uu ka geeriyooday.
Raโiisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Maxamed Xuseen Rooble ayaa ka tacsiyeeyay geerida Allaha u naxariistee Madaxweynihii hore ee Soomaaliya mudane Cali Mahdi Maxmed.
Raโiisul Wasaare Rooble ayaa marxuumka Alle uga baryay in uu Jannadii Firdows ka waraabiyo, ehelkii iyo Ummadda Soomaaliyeed ee uu ka baxayna Samir iyo Iimaan ka siiyo
โINNAA LILLAAHI WA INNAA ILEYHI RAAJICUUN, waxaan rabaa halkan inaan uga tacsiyadeeyo geerida xanuunka badan ee ku timid Walaalkeen Madaxweynihii hore ee Soomaaliya Cali Mahdi Maxamed, waxaan uga tacsiyadeeynayaa dhammaan qoyskiisa, eheladiisa iyo shacabka Soomaaliyeed, waa geeri xanuun badanโ. Ayuu yiri Raโiisul Wasaare Rooble.
Raโiisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Xuseen Rooble ayaa hadalkiisa ku daray โMadaxweynihii hore Cali Mahdi Maxamed waxa uu ahaa ganacsade, wuxuu ahaa nabadoon, wuxuu ahaa siyaasi rug caddaa ah, waana halyeey ka baxay Ummadda Soomaaliyeed, waxaan leeyahay shacabka Soomaaliyeed, qoyskiisa iyo eheladiisaba in uu Ilaahey Samir iyo Imaan ka siiyo, waxaana Alle SWT uga baryayaa janatul fardowso in uu Ilaahey ugu bishaareeyoโ.
Midowga Musharaxiinta ayaa ka tacsiyeeyay geeridii ku timid allaha u naxariistee Madaxweynihii hore ee dalka Cali Mahdi Maxamed.
Shariif Sheekh Axmed Gudoomiyaha Midowga Musharaxiinta ayaa ka tacsiyeeyay geerida ku timid Madaxweynihii hore ee Soomaaliya Cali Mahdi Maxamed oo maanta ku geeriyooday magaalada Nairobi.
Waxaa uu sheegay in Madaxweynihii hore ee dalka uu ahaa hoggaamiye ku sifoobay nabadoonimo, dadaal badan ku bixiyay in Soomaaliya ay hagaagto.
Qoraal kasoo baxay Shariif ayaa sidaan u qornaa:
INAA LILLAH WA INAA ILEYHI RAAJICUUN
Waxaan murugada la qaybsanayaa guud ahaan shacbiga Soomaaliyeed anigoo uga tacsiyeynaya geerida Madaxweynihii hore Cali Mahdi Maxamed oo Nairobi ku geeriyoodey.
Wuxuu dalka u soo shaqeeyey xilli adag isagoo qayb ka qaatay shirar badan oo dib u heshiisiineed oo Soomaalida gudaha iyo banaankaba loogu qabtay.
Waxaan si gaar ah tacsi ugu dirayaa qoyskiisa iyo qaraabada, Allaha u naxariisto Samir iyo Iimaanna Allaha naga siiyo
Madaxweyne Cali Mahdi Maxamed, wuxuu ku dhashay tuulada Caddoow-uul oo ka tirsan gobolka Shabeellada Dhexe, sannadkii markuu ahaa 1938. Madaxweyne Cali Mahdi wuxuu wax ku bartay iskuullaadkii Xamar ka jiray, Madaxweyne Cali Mahdi 1959 ayaa Qaahira ee dalka Masar u aaday waxbarasho.
Madaxweyne marxuum Cali Mahdi wuxuu fursad u yeeshay in uu xubin ka noqdo Barlamaankii Somaaliya sanadkii 1969, asagoo noqday qofkii ugu daโda yaraa ee xubin ka noqda golaha Barlamaanka Soomaliyeed.
Madaxweyne Cali Mahdi wuxuu dib ugu laabtay shaqadiisi wasaaradda Caafimaadka, halkaas u ku gaaray jago Agaasime Guud. Sanadku markuu ahaa 1977 Cali Mahdi wuxuu ka ruqseeystay shaqadii Dawladda wuxuuna u wareegay ganacsi.
Madaxweyne Cali Mahdi muddadii u dhaxeysey sanadihii 1977-1990 wuxuu noqday nin lagu tiriyo ganacsatada ugu waa weyn ee dalka.
Sanadahii siddeetamaadkii Madaxweyne Cali Mahdi iyo aqoonyahanno Soomaliyeed ayaa asaasay urur odoyaal ah โManifestoโ oo waraaq lagu codsanaayo in wax looga bedelo siyaasadda Soomaliyeed u diray madaxweeynihii wadanka ee xilligaas Maxamed Siyaad Barre.
Kadib burburkii dowladdii Madaxweyne Maxamed Siyaad Barre, sanadkii 1991, ayaa Cali Mahdi loo magacaabay Madaxweynaha Soomaaliya.
Cali Mahdi Maxamed waxaa uu noqday madaxweynihii 4-aad ee Soomaliya, xafiiska intii uu joogay waxay aheyd Jannaayo, 1991 ilaa Juun, 1995.
Muddo gaaban kadib waxaa bilowday dagaal sokeeye oo ka dhacay magaalada Muqdisho.
Madaxweyne Cali Mahdi wuxuu xilkii madaxweynenimada ku wareejiyey shirkii ka dhacay magaalada Carta ee wadanka Jabuuti sanadka markuu ahaa 2000.
Madaxweyne Cali Mahdi sanadkii 2007 wuxuu abaabulay shir nabadeed belaha Somaaliyeed la isugu keenay. waxaa jiro waxyaabo badan oo lagu xusuusan doono Alle u naxariistee Madaxweyne Cali Mahdi oo caawa ku geeriyooday isbitaal ku yaalla magaalada Nairobi ee dalka Kenya.
โุฅูุง ููู ูุฅูุง ุฅููู ุฑุงุฌุนููโ