Ergeda Soomaaliya uga qayb galeysa Maxkamadda Caddaaladda Adduunka ee uu hoggaaminayey Raโiisul Wasaare ku xigeenka Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mahdi Maxamed Guuleed, ayaa kulan la qaatay kaaliyaha sare ee Maxkamada Caddaaladda Adduunka Mr. Philippe Gautier.
Kulankan ayaa ku saleysnaa dhammaystirka diyaar garowga soo bandhigdda gar-naqsiga Soomaaliya ee ku aaddan dacwadda.
Xeer ilaaliyaha Guud ee Qaranka Mudane Sulaymaan Maxamed Maxamuud oo warbaahinta la hadlay ayaa ka warbixinaya kulankii maanta ay la yeesheen Maxkamadda Caddaaladda Adduunka, isagoo tilmaamay in Dowladda Soomaaliya ay si buuxda ugu diyaar garoowday soo bandhigidda dacwaddeeda oo socon doonta inta u dhaxaysa 15-24 bishan Maarso.
Dowladda Federaalka Soomaaliya waxay ku kalsoontahay xaq-ahaanshaha gal dacwadeedkeeda iyo qareennada sharciyeed ee ku matalaya dacwaddan garwadeenka ay ka tahay Maxkamadda Caalamiga ah ee Caddaaladda