
Allaha u naxariistee taliyihii ugu horeeyay ee uu yeesho Ciidamada Asluubta Soomaaliyeed ayaa ku geeriyooday magaalada Muqdisho.
Madaxda Sare ee dalka ayaa ka tacsiyeeyay Geerida Alle ha u naxariistee Taliyihii hore ee Ciidanka Asluubta Soomaaliya General Ismaaciil Axmed.
Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa ka tacsiyeeyey geerida ku timid Alle ha u naxariistee Taliyihii hore ee Ciidanka Asluubta Soomaaliyeed Janaraal Ismaciil Axmed Ismaaciil oo maanta ku geeriyooday magaalada Muqdisho.
Madaxweynaha oo tacsi tiiranyo leh u diray qoyska, qaraabada iyo guud ahaan ummadda Soomaaliyeed ee uu ka baxay Marxuumku ayaa tilmaamay in uu muddo dheer u soo adeegay shacabka iyo dowladda Soomaaliyeed, isaga oo kaalin mug leh ka soo qaatay aasaaska Ciidanka Asluubta Soomaaliyeed.
βInnaa Lillaahi Wa Innaa Ileyhi Raajicuun. Geerida ku timid Alle ha u naxariistee Janaraal Ismaciil Axmed Ismaaciil waa mid murugo badan. Marxuumku wuxuu u soo adeegayey Qarannimada Soomaaliyeed muddo dheer, waxa uuna qeyb ka ahaa qorshihii aasaaskii Ciidanka Asluubtaβ
Gudoomiyaha Golaha Aqalka Sare BFS Cabdi Xaashi Cabdullaahi ayaa Ka tacsiyeeyey geerida Taliyihii hore ee Ciidanka Asluubta Soomaaliyeed Marxuum Ismaaciil Axmed ismaaciil.
Gudoomiye Cabdi Xaashi Cabdulaahi ayaa Sheegay in Ismaaciil Axmed Ismaaciil uu ahaa Aasaasihii Ciidanka Asluubta Soomaaliyeed dhisayna Ciidanka Tayadiisa iyo Cudadiisaba.
βIsmaaciil Axmed ismaaciil Waxaa la dhihi Karaa Aabihii Ciidanka Asluubtaβ ayuu yiri Cabdi Xaashi.
Sidoo kale Raβiisul Wasaaraha dalka Maxamed Xuseen Rooble ayaa tacsi u diray Qoyska Marxuumka, Ciidanka Asluubta iyo dhamaan Shacabka Soomaaliyeed, waxa uuna yiri:
βWaxaan qoyskiisa, ehelkiisa, asxaabtiisii, gaar ahaan Ciidanka Asluubta Soomaaliyeed iyo Guud ahaan Shacabka Soomaaliyeed uga tacsiyeynayaa geerida naxdinta leh ee taliyihii hore ee Ciidanka Asluubta Soomaaliyeed, kana mid ahaa aas-aaseyaashii Ciidanka Asluubta Gen. Ismaaciil Axmed Ismaaciil. β
