
Mudanayaasha Baarlamaanka Soomaaliya ayaa lagu wadaa in aay yeeshaan kulan gaar ah oo xasaasi ah.
Kulanka Golaha Shacabka ee aay yeelan doonaan ayaa la sheegay iney uga hadli doonaan arrimo ku saabsan xaaladda siyaasadeed ee dalka Soomaaliya iyo khilaafka daba dheeraaday ee dhinacyada Siyaasadda.
Xildhibaanada Golaha shacabka ayaa loo diray fariimo sheegaya in uu jiro kulan gaar ah oo Ajandahiisa lagu sheegay inuu yahay ka doodista Mooshin ku saabsan doorashooyinka Qaranka, iyadoona lagu wargeliyay Xildhibaanada iney soo xaadiraan 09:00 Subaxnimo. Warar isisoo tarayo ayaa sheegaya in Mooshinka laga doodidoono uu salka ku hayo muddo kororsi la rabo in laba sanno (2) loogu daro Madaxweynaha xilligiisii dhammaaday ee Maxamed Cabdullahi Farmaajo. Ciidamo badan ayaa lagu arkayaa xaafadaha ku dhadhaw xaruunta Golaha Shacabka.
Kulanka Baarlamaanka Soomaaliya ayaa imaanaya xili xaalada siyaasadeed ee dalka Soomaaliya aay tahay mid cakiran oo aay walaac xoogan ka muujinayaan dowladaha daneeya arrimaha Soomaaliya.