Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa soo dhaweeyay sharciga gaarka ah ee ku saabsan doorashada ee muddo kordhinta labada sano ah loogu sameynayo hayโadaha dowladda kaas oo goordhaw ay ansixiyeen xildhibaanada Golaha Shacabka.
Madaxweynaha wuxuu sheegay in xukuumadda uu waajib ka saaran yahay fullinta sharcigan.
โMadaxweynaha ayaa tilmaamay in Xukuumaddu ay qaadaneyso doorka kaga aaddan fulinta sharcigan ay ansixiyeen Golaha Shacabka oo dalka u jiheynaya doorasho toos ah, dibna ugu soo celinaya Shacabka Soomaaliyeed xuquuqdooda dastuuriga ah ee ku aaddan in ay doortaan hoggaanka ay ku aaminayaan talada iyo masiirka qarankaโ ayaa lagu yiri war saxaafadeed kasoo baxay Madaxtooyada.