Warsaxaafadeed ka soo baxay Wasaaradda Arrimaha Dibadda Mareykanka ayaa waxaa lagu sheegay inay walaac xoogan ka muujinayso isku dhacyadii rabshadaha watay ee ka dhacay magaalada Muqdisho, kaasi oo u dhexeeya ciidanka DFS iyo ciidamo daacad u ah xubnaha mucaaradka.
Wasaarada arrimaha dibada Mareykanka ayaa dhammaan dhinacyada isku haya siyaasada Soomaaliya ugu baaqday in ay is xakameeyaan, islamarkaana si nabad ah ku xalliyaan muranka u dhexeeya.
“Wadahadal iyo is afgarad waa dariiqooyinka kaliya ee lagu xalin karo caqabadaha doorashada, waxaana ku boorineynaa dhinacyada in ay dib u bilaabaan wadahadalada hal mar si loo gaaro wadadii lagu heshiiyey ee horey loogu mari lahaa doorashooyinka degdega ah”ayaa lagu yiri qoraalka.
Sidoo kale dowladda Mareylanka ayaa mar kale madaxda Soomaalida ugu hanjabtay cunaqabatayn iyo xayiraado, haddii laga baaqsan waayo rabshadaha Muqdisho, sida lagu sheegey war ka soo baxay Wasaaradda Arrimaha Dibedda Mareykanka:
“Mareykanku wuxuu diyaar u yahay inuu tixgaliyo dhamaan aaladaha la heli karo, oo ay ku jiraan cunaqabateynta iyo xaddidaadda fiisaha, si looga jawaabo dadaallada lagu wiiqayo nabadda iyo xasilloonida Soomaaliya”-Ayaa lagu War-saxaafadeedka Mareykanka.