Doorashada Aqalka sare ee Baarlamanka Federaalka Soomaaliya, ayaa la qorsheeyay in ay dhacdo maanta oo ku beegan 25-ka-July-2021, balse dib u dhac uu ku yimid.
Madaxweyneyaasha Maamulada Puntland, Jubbland,Hirshabelle, Koofur Galbeed iyo Galmudug ayaa wali soo magacaabin guddiyadii qaban lahaa doorashada Aqalka sare, inkastoo maamulka Jubbland lafilayo in maanta uu soo magacaabo.
Sidoo kale shanta dowlad goboleyd ayaa soo gudbin liiska xubnaha Aqalka sare ee laga soo doorto degaannada maamuladaasi.
Waxaana socda dadaallo ay wadaan guddiyada doorashooyinka ee heer federaal iyo heer gobol oo ay ku doonayaan in madaxda maamul goboleedyada ku soo gudbiyaan liiska murashaxiinta Aqalka Sare