Ra’iisal Wasaaraha Somaliya, Maxamed Xuseen Rooble ayaa Magaalada London kula kulmay Ra’iisal Wasaaraha UK, Boris Johnson.
Ra’iisal Wasaare Rooble ayaa qoraal uu soo dhigay bartiisa Facebook waxaa uu ku sheegay inay ka wadahadleen arrimo kala duwan.
Qoraalka Rooble ayaa u qornaa “Waxaan London kula kulmay Ra’iisal Wasaaraha Britain, Boris Johnson oo dowladdiisu martigelisay shirka caalamiga ah ee horumarinta waxbarashada. Waxaan ka wada hadalnay xoojinta xiriirka labadeenna waddan, arrimaha amniga Somaliya iyo gobolka, horumarinta waxbarashada, dhaqaalaha, siyaasadda iyo gargaarka.
Britain waxay ku jirtaa saaxiibada caalamiga ah ee Somaliya la leh xiriir soo jireen ah, kana caawiya dhinacyo badan oo muhiim u ah dowlad dhiska dalkeenna.”