Wasiiru-dowlaha arrimaha gudaha, federaalka iyo dib u heshiisinta xukuumadda xilgaarsiinta Adan Cabdinasir ayaa ku guuleystey mid ka mid ah kuraasta Aqalka Sare ee doorashadiisu maanta ka dhacday magaalada Baydhabo.
Aadan Cabdinaasir ayaa waxa uu helay codad gaaraya 80 cod, halka Musharaxa kale la tartamayay oo lagu magacaabo Maxamed Xasan Aadan uu helay 6 cod oo keliya.
Wasiiru Dowlaha arrimaha gudaha Aadan Cabdinaasir Maxamed ayaa noqonaya Senator-kii Saddexaad ee maanta lagu doorto magaalada Baydhabo, ayada oo hore loogu doortay labada Senator ee kala ah Zamzam Ibraahim Cali iyo Ayaan Aadan Cabdullaahi oo kusoo baxay codad aqlabiyad ah.
idoo kale Mohamud Mohamed Abdinur (Garabey) iyo Hussein Mohamed Dahir ayaa ku guuleystay kuraasta 4aad iyo 5aad ee xubnaha maanta lagu doortay baydhabo, kuwaasoo ka mid noqonaya aqalka sare ee Somalia afarta sano ee soo socota.