Musharax Xuseen Maxamed Daahir ayaa noqday Senatorkii shanaad, uguna dambeeyay doorashada shan kursi oo maanta ka dhacday Magaalada Baydhabo.
Xuseen Maxamed Daahir oo nin dhalinyaro ah ayaa helay 71 cod, iyadoo musharaxii la tartamayay waa Xasan Maxamed Nuur uu helay 7 cod oo keliya.
Guddiga Doorashooyinka ayaa ku dhawaaqay in 10 cod xumaadeen, 88 Xildhibaan oo wax dooraneysay.
Xuseen Maxamed Daahir ayaa hadda ahaa Agaasimaha Wasaaradda Caafimaadka ee Maamulka Koonfur Galbeed.
Afarta Senator ee kale ee lagu doortay Magaalada Baydhabo ayaa kala ah Maxamuud Maxamed Cabdinuur, Aadan Cabdinaasir Maxamed, Ayaan Aadan Cabdullaahi iyo Zamzam Ibraahim Cali, iyadoo Zamzam Ibraahim dib loogu soo doortay xubinimada Aqalka Sare.