Kulan fogaan arag ah oo ay caawa yeesheen Madaxda Golaha Wadatashiga Qaranka uuna shir guddoominayay Raโiisul Wasaare Maxamed Xuseen Rooble ayaa looga wadahadlay dardargalinta howlaha doorashooyinka Dalka.
Raโiisul Wasaare Maxamed Xuseen Rooble ayaa Golaha uga warbixiyay halka ay mareyso xallinta khilaafka ka taagan doorashada hoggaanka Guddiga Maamulka Doorashada Gobollada Woqooyi ee Soomaaliland iyadoo goluhu si buuxda u taageeray dadaalada Raโiisul Wasaaraha ee lagu dhammeystirayo dhismaha Guddoonka Guddiga Maamulka Doorashooyinka Soomaaliland oo Maanta uu Raโiisul Wasaaruhu ku wargaliyay Xubnaha Gudigaas in ay si deg deg ah isaga dhex doortaan hoggaankooda.
Kulanka ayaa ku soo idlaaday jawi is afgarad ah.