Wasiirka Gaashaandhigga Xukuumadda Xasan Xuseen Xaaji ayaa loo doortay kursi ka mid ah kuraasta Aqalka Sare doorsho ka dhacday magaalada Baydhabo.
Xasan Xuseen Xaaji ayaa helay Codad gaaraya ilaa 74 Cod halka Musharixii la tartamayay ee Cabdiraxmaan Maxamed Cabdullaahi uu helay 14 Cod, waxaana halaabay Saddex Cod.
Maamulka Koonfur Galbeed ayaa Maanta dhameystiraya 8 kursi oo ay ku leeyihiin Xildhibaannada Aqalka Sare.