Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Maxamed Xuseen Rooble iyo wafdiga ku wehelinaya booqashada uu ku joogo dalka Masar ayaa kulan laba geesood ah la qaatay Ra’iisul Wasaaraha dalkaas iyo xubno ka tirsan Golahiisa Wasiirrada, kaas oo diiradda lagu saaray xoojinta xiriirka soo jireenka ah iyo iskaashiga faca weyn ee ka dhexeeya labada dal, iyo sidii loo kordhin lahaa deeqaha waxbarashada ay siiyaan ardayda Soomaaliyeed, fududeynta socdaalka, ganacsiga iyo maalgashiga.
Ra’iisul Wasaare Rooble oo kulan la qaatay dhigiisa dal Masar
previous post