Madaxweynaha Muddo xileedkiisa dhammaaday Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa daah furay munaasabadda lagu howl-gelinayo Guddiga 4-aad ee Afsoomaaliga, taas oo lagu qabtay tiyaatarka qaranka ee muqdisho.
Munaasabadaan ayaa waxaa sidookale kasoo qeyb galay masuuliyiin ka tirsan golaha wasiirrada ee XFS, Xildhibaanno, Guddoomiye ku xigeenka Gobolka Banaadir Marwo Basma Caamir Axmed, Guddoomiyaha Akademiyad Goboleedka Afka-Soomaaliga Mudane Maxamed Daahir Afrax, Guddoomiyaha Akademiyada Cilmiga, Fanka iyo Suugaanta Mudane Cabdqaadir Nuur Xuseen, Xubnaha Guddiga Afraad ee Afsoomaaliga, Maareeyaha Golaha Murtida iyo Madadaalada Qaranka Abwaan Cabdulqaadir Cabdi Yuusuf iyo marti sharaf kale.
Madaxweyne Farmaajo oo munaasabadda khudbad ka jeediyay ayaa sheegay iney muhiimad leedahay turxaan bixinta, ilaalinta iyo horumarinta afka iyo dhaqanka Soomaaliyeed, maadaama ay udub dhexaad u yihiin midnimada iyo jiritaanka ummadda Soomaaliyeed.
Wuxuu ku dheeraaday Madaxweyne Farmaajo ka hadalka halgankii dheeraa ee loo soo maray qaabeynta iyo qoridda Af-soomaaliga ayaa ka warbixiyey tallaabooyin hortebinta leh ee ay dowladdu u qaadday dhanka horumarinta afka, dhaqanka iyo suugaanta Soomaaliyeed.
“Ummadda Soomaaliyeed waxa ay ku suntan yihiin dad ku adag afka iyo dhaqankooda, halka dalal badan oo dunnidii la gumeystay ka mid ah laga beddeley afkoodii iyo dhaqankoodii. Afku waa dhaxalka ugu qiimaha badan ee ay jiilal isu gudbiyaan, waana ammaano ay tahay inaan ilaalinno oo horumarinno.”
Sidookale wuxuu xusay in hirgelinta farta Soomaaliga lagu bixiyey dadaal, maskax iyo maal badan, isagoo kula dardaarmay Guddiga Af-soomaaliga in ay sii ambaqaadaan dadaalladaas, hormuudna ugu noqdaan ummadda Soomaaliyeed horumarinta iyo adeegsiga Afsoomaaliga.
“Dowladdu waxay dadaal badan ku bixisay sidii loo horumarin lahaa afka, dhaqanka iyo suugaanta. Taas oo aannu ka soo bilowney inaannu dib usoo celinno goobihii lagaga shaqayn lahaa hirgelinta iyo horumarintooda, oo Tiyaatarka aynu maanta joogno ka mid yahay, Madxafkii Qaranka oo aanu isna dib u dhisnay”