Qoraal ka soo baxay Golaha Siyaasiyiinta Somaliland ee uu hoggaamiyo Gudoomiyaha Aqalka Sare Cabdi Xaashi Cabdullaahi ayaa ka hor yimid habraacii doorashada ay soo saareen Golaha Wadatashiga Qaran ee dhawaan ku shiray Muqdisho.
Qoraal kasoo baxay siyaasiyiintan Somaliland garabka Cabdi Xaashi ayey uga soo horjeesteen qaabka Golaha Wadatashiga Qaran u wajaheen doorashada Kuraasta labada Aqal ee Somaliland.
Siyaasiyiintan ayaa waxa kale oo ay sidoo kale shegeen in Guddiga doorashada Somaliland ee SEIT uu u kala qeybsan yahay uuna leeyahay labo guddoon ayna suurto gal aheyn iyada oon la xalin khilaafkaasi in doorasho la qabto.