Ra’iisul Wasaaraha Itoobiya Abiy Ahmed ayaa magacaabay Golihisa Wasiirada cusub oo ka kooban 22 Wasiir,kadib markii dhawaan loo dhaariyay shanta sano ee soo socota inuu hayo xilka ra’iisul wasaaraha dalka Ethiopia.
Abiy Ahmed ayaa mar kale dib u magacaabay Demeke Mekonnen Ra’iisul Wasaare Kuxigeen iyo Wasiirka Arrimaha Dibadda oo ka soo jeeda Amxaarada, waxaa kaloo uu mar kale Wasiirka Maaliyadda u magacaabay Saaxibkiis Axmed Shide oo ka soo jeeda deegaanka Soomaalida, halka Abraham Belay oo ka soo jeeda Gobolka Tigray u mahacaabay Wasiirka Gaashaandhigga.
Sidoo kale waxaa uu Golihiisa Wasiirada ku soo daray xubno ka tirsan Mucaaradka sida Berhamu Nega iyo Kejele Merdasa Tulu.
Golaha wasiirada ayaa waxa ay u kala magaacaban yihiin sidani hoos ku xusan:
1.Damaqe Mokonin-raysalwasare ku xigeen ahna wasiirka arimaha dibada
2.Malaku Alabal-wasiirka wasarada warshadaha
3.wasiirka wasarada ganacsiga iyo isku xidhka gobolka
4.Injineer Takala Uma -wasiirka wasarada macdanta
5.Danjire Nasisi Milee-wasiirka wasarada dalxiiska
6.Mufariyad Kaamil-wasiirka wasarada kobcinta shaqada
7.Axmad Shide-wasiirka wasarada maliyada
8.Laqe Ayalaw-wasiirka wasarada dakhliga
9.Dr. Fisum Asafa -wasiirka wasarada qorshaynta iyo horumarinta