
Wararka ka imaanaya Gobolka Galgaduud ayaa sheegay in Ahlu Sunna ay ciidan hor leh gaysay aagga deegaanka Ceeldheere, oo 30km dhinaca koonfureed kaga beegan Magaalada Dhuusamareeb.
Wariye-yaasha ayaa soo sheegaya in Xoogaga Ahlu Sunna ay dhaqdhaqaaq ballaaran ka wadaan wadada xiriirisa Magaalooyinka Dhuusamareeb iyo Guriceel.
Ahlu Sunna ayaa dhaqdhaqaaqeedaan kordhisay, ka dib markii uu soo baxay warka sheegaya in Madaxweynaha Galmudug, Axmed Cabdi Kaariye (Qoorqoor) uu go’aansaday in la weeraro Xoogaga Ahlu Sunna, oo 1-dii bishan la wareegay gacan ku haynta Magaalada Guriceel.
Wasiirkii Amniga Galmudug, Axmed Macalin Fiqi oo Khamiistii is casilay ayaa sheegay in Madaxweynuhu uu diiday in fursad la siiyo dadaalada lagu xalinayo khilaafka.
Sheekh Maxamed Shaakir Cali Xasan oo ka mid ah Hoggaanka Ahlu Sunnada Gobolada Dhexe ayaa sheegay inaanay doonayn dagaal ay la galaan Galmudug, haddiise lagu khasbo aanay huri doonin.
Dadaalo ay tan iyo Arbacadii Xildhibaano ka tirsan Baarlamaanka Federaalka ka dhex wadeen labada dhinac ayaa u muuqdo kuwo guuldareystay.
Dagaal ay Galmudug la gasho Ahlu Sunna ayaa sii wiiqi doona hawlgaladii in muddo ahba ay Ciidamada Dowladda Federaalka iyo kuwa Galmudug ka wadeen Koonfurta Gobolka Mudug. Hawlgaladaas ayay ciidamadu kula dagaalamayeen maleeshiyada Al Shabaab.
Xaaladda haatan ka taagan Gobolada Dhexe ayaa ku soo aadaysa, xilli Galmudug ay isu diyaarinaysay Doorashada Xildhibaanada Golaha Shacabka.