Guddiga doorashada Jubbaland, ayaa Ka dalbay Madaxweynaha Jubbaland Axmed Maxamed Islaam in uu soo buuxiyo mid ka mida kuraasta afarta ah ee aqalka sare oo mid ka mida musharixiinta uusan isdiiwaan gelin .
Musharaxa aan is diiwaangelin oo ah Cali Maxamed Cali ayaa liiska uu soo saaray Axmed Madoobe kula qornaa Xasan Dahir Yarow, waxayna guddigu sheegeen Cali Maxamed Cali uu ka baaqday inuu iska diiwaan geliyo Xafiiska SEIT Jubbaland.
Dhammaan musharaxiinta kale ee lagu shaaciyay liiska uu soo saaray Madaxweyne Axmed Madoobe ayaa is diiwaangeliyay.
Sharci ahaan ugu yaraan laba qof ayaa ku tartami karta kursiga aqalka sare.