Ciidanka danbi baarista Kenya ayaa baadi goob ugu jira nin loo heesto in uu kufsi u geystay haweeney 90 sano jir ah oo ku nool degaanka Mbooni- ee dhacda Ismaamulka Makueni ee Bariga Kenya.
Agaasimaha laanta danbi baarista Kenya ee loo yaqaan DCI , Mr George Kinoti ayaa sheegay in haweeneyda laga soo qaaday sariirteeda iyada oo ka cabaneysa xanuun ka soo gaaray kufsiga uu u geystay Wiilkeeda.
Haweeneyda ayaa iyada oo ilmeyneysa xogta arintaan la wadaagtay saraakiisha danbi baarista iyo dhibaatada uu u geestay wiilkeeda lagu magacaabo Patrick Mumo, oo da,diisa lagu sheegay 45 Sano.
Waxay intaa raacisay intii lagu guda jiray xuska 21-dii bishan October oo ah maalinta geesiyada Kenya u soo halgamay, abaara 8-dii habeenimo uu ku qasbay in ay la seexato deetana uu Kufsaday.
Si kastaba ha ahaatee haweeneydan da’da ah ayaa hada la dhigay isbitaalka degmada Kisau ee ismaamulka Makueni oo hada lagula tacaalayo dhaawacyada soo Gaaray.
Agaasimaha laanta danbi baarista Kenya ee loo yaqaan DCI , Mr George Kinoti ayaa ugu baaqay danbiilaha, sida ugu dhaqsiyaha badan uu isugu soo dhiibo saraakiisha Amniga.
Dhacdadaan ayaa ku soo aadeysa iyadoo wasaarada caafimaadka Kenya ay xaqiijisay in 5,000 oo hablood la kufsaday tan iyo 28-dii bishii maarso ee sanadkii la soo dhaafay oo iskuulada goobaha la isugu yimaado la mamnuucay si loo yareeyo faafida cudurka Corona.