Qaar ka mid ah shacabka ku nool dowlad goboleedka Puntland ayaa maanta u dareeraya doorasho qof iyo cod ah iyadoo lagu soo dooranayo golayaasha deegaanka 3 degmo.
Doorashadan ayaa waxa ay ka dhici doontaa saddexda degmo ee kala ah Qardho, Eyl iyo Ufeyn.
Waxaa doorashada ku tartamaya goleyaasha deegaanka 8 urur siyaasadeed oo kala ah, Kaah, Mideeye, Horseed, Caddaalad iyo Sinnaan, Runcad, Mustaqbal, Ifiye iyo Shaqaalaha.
Tartankan ayaa waxaa isku soo sharaxay illaa 449 musharax kuwaasoo ku tartami doono 87 kurso oo ah golayaasha deegaanka saddexda degmo ee ay doorashada ka dhacayso.
Degmada Qardho waxaa lagu tartamayaa 33 kursi, degmada Eyl waxaa lagu tartamayaa 27 kursi halka degmada Ufeyn lagu tartamayo 27 kursi.
Tirada guud ee dadka lagu wado in ay codkooda ka dhiibtaan doorashada maanta ee la diiwaangeliyay ayaa waxa ay gaarayaan ayaa ah 37,578 qof.
Degmada Qardho waxaa codkooda ka dhiiban doona 20,620 qof halka degmada Eyl-na ay codkooda ka dhiiban doonaan 8,671 qof Degmada Ufeyn ayaa sidoo kale laga diiwaangeliyay codbixiyayaal gaaraya 8,287 qof.
Guddoomiyaha Guddiga KMG ee doorashooyinka Puntland Guleed Saalax oo ay wehliyeen Taliyeyaasha Amniga ayaa ka warbixiyay diyaar garowgii u dambeeyay ee doorashooyinka dowladaha Hoose ee berri dhacaya, waxaana uu caddeeyay in la diyaariyay dhammaan wixii ay u baahnaayeen codeeyayaasha in qof walba uu tago goobaha loo asteeyay, in codeynta doorashada bilaabaneyso 6-da subaxnimo, kuna egtahay 6-da maqribnimo, isagoo ka codsaday qof walba oo qaatay kaararka aqoonsiga inuu codeeyo.
Taliyaha Booliska Puntland Jen. Cabdi Yare ayaa sheegay inta doorashada socoto la joojiyay isu socodka gaadiidka degmooyinka ay ka dhacayaan doorashada.
Doorashadan qof iyo codka ah ee golaha deegaanka Maamulka Puntland ayaa noqoneysa tii ugu horeysay tan iyo markii maamulkaasi dhidibada loo taagay.