Xubno ka tirsan Ururka Al-Shabaab ayaa saaka waxaa ay weerar ku qaadeen Saldhiga Ciidamada Jubbaland ku leeyihiin degaanka Baar Sanguuni oo kuyaal duleedka Magaalada Kismaayo ee Gobolka Jubbada Hoose.
Dagaal culus oo la isku adeegaaday hubka noocyadiisa kala duwan ayaa dhexmaray Ciidamada Maamulka Jubbaland iyo Al-Shabaab, kaas oo siweyn saameyn ugu yeeshay degaanka Baar Sanguuni.
Dadka degaanka ayaa ku warramay in uu jiro khasaaro labada dhinac kasoo gaaray dagaalka, sidoo kale intii uu socday ay soo wajahday cabsi ku aadan inay dhibaato kasoo gaarto dadka rayidka ah dagaalka.
Saraakiil ka tirsan Ciidamada Jubbland ayaa dhankooda waxaa ay Warbaahinta u sheegeen inay iska difaaceen weerarkii kaga yimis dhinaca Al-Shabaab, isla markaana khasaaro ku gaarsiiyeen dagaalkii ay la galeen.
Xaaladda degaanka Baar Sanguuni ayaa degan, waxaana goobta lagu dagaalamay oo laga ilaaliyo Magaalada Kismaayo ku sugan Ciidamada Daraawiishta Jubbaland.