
Maamulka degaanka Nambar-konton ayaa sheegay inay heleen xo ku saabsan weerarka kaga soo wajahnaa Ururka Al-Shabaab, isla markaana dagaal kooban oo ay la galeen ay khasaaro xoogan ku gaarsiiyeen
Saraakiisha laamaha Amniga degaanka Nambar-konton ayaa sheegay in, iyaga oo ka jawaabaya weerarka Al-Shabaab ay howlgallo baaritaanoa ah ka sameeyeen duleedka degaanka, si ay uga hortagaan weeraro kale oo kaga yimaada dhinaca Al-Shabaab.
Maamulka Gobolka Shabeellaha Hoose ayaa dhawaan Maamul Cusub u sameeyay degaanka Nambar-konton, waxaana degaankaas dhowr jeer weeraray Al-Shabaab, balse bilihii la soo dhaafay xaaladda degaanka ay aheyd mid wanaagsan.