
Janeraal Xijaar ayaa kulan gaar ah la qaatay Taliyaha Ciidanka Booliska Ethiopia Gen. Demelash Gebremicheal maadaama Ethiopia ay la wareegeyso hoggaanka (EAPCO) East Africa Police Chiefs Organisation.
Taliyaha Ciidanka Booliska Soomaaliyeed Sareeye Gaas Cabdi Xasan Maxamed Xijaar ayaa la filayaa in uu khudbad ka jeediyo Shirka, isaga oo kaga hadli doona xaaladda Amni ee Soomaaliya, howlgallada ay sameeyaan Ciidamada Booliska & wadashaqeynta ay la leeyihiin Ciidamada Booliska kale ee dalalka Afrika.
Sidoo kale taliyaha ayaa waxaa uu kulamo gaar gaar ah la qaadan doonaa Saraakiisha kasoo qeyb gasha shirkaas, isaga oo kala hadli doona dib u dhiska iyo horumarinta Ciidamada Booliska Soomaaliya.
