
Ciidamada ayaa xilliga la qarxinayay howlgalo ka waday wadada u dhaxeeysa Magaalada Beledweyne & degmada Matabaan, waxaana Qaraxa uu qabsaday Gaari NOAH oo ay saarnaayeen rag ay Wariyeyaal kamid yihiin.
Wararka la helay ayaa sheegaya in qaraxa ay ku dhinteen ilaa Saddex qof tiro kalena ay ku dhaawacmeen, kuwaas oo ay kamid yihiin dadka dhaawacmay Wariyeyaasha Khaalid Muxumed (Ilkacase) iyo Cabdikariin Shabeellow iyo Nin kale oo Magaciisa lagu sheegay Cabdi Gureey.
Gaariga qaraxa uu qabsaday ayaa qeyb ka ahaa kolonyo kamid ah Ciidamada Dowladda iyo madaxda Gobalka Hiiraan oo Howlgallo ka wada wadada u dhaxeeysa degmooyinka Beledweyne iyo Matabaan, waxaana qaraxa uu qabsaday xilli ay marayeen degaanka Qabno oo u dhow degmada Matabaan.
Dadka ku dhintay iyo kuwa ku dhaawacmay qaraxaas ayaa la kala geeyay degmooyinka Beledweyne & Guriceel, waxaana la sheegay in Ciidamada ay weli howlgallada ay sii wadaan.