
Ra’iisul Wasaaraha XFS Mudane Xamse Cabdi Barre ayaa sheegay in ay nasiib darro tahay in Shacabkeennu gaajo iyo harraad u dhintaan iyadoo ay biyaha webiyadu u muuqdaan, dalka intiisa badanna la isugu safro diyaarado sababo ammaan dartood, taas oo dowladda iyo shacabkaba uga baahan isbaddel dhab ah.
Waxaa uu sheegay in uu soo dhisi doono xukuumad tayo leh oo dalka ka saarta dhibaatada culus ee ka taagan ee dhanka Ammaanka, Abaaraha iyo Musuq maasuqa.
Waxaa uu xusay in xukuumaddiisa ay kasoo dhex muuqaan doonaan xubno lagu yaqaano karti iyo ka shaqeynta Amniga dalka ayna muhiim tahay in la helo ciidan Tayaysan.
Xamse ayaa xusay in xafiiskiisa iyo Ammaankiisa ay ilaaliyaan ciidamo Shisheeye, taasina ay tahay nasiib daro heysta umadda Soomaaliyeed.

 
						 
						 
						 
						 
						 
						 
						 
						