
Ciidamada ayaa Askarigaan baadi goobayay labadii maalmood ee la soo dhaafay, waxaana loogu sheegay in uu u baxsaday dhinaca Gobolka Mudug, hayeeshee ay ka qabteen degaanka Ceel-gargaar ee duleedka bari ee degmada Caabudwaaq.
Saraakiil katirsan laamaha Amniga degmada Cabudwaaq ayaa sheegay in soo qabashada Ninkaan ay ku timid xiriiro ay la soo sameeyeen dadka Shacabka, iyaga oo uga mahad celiyay kaalintii ay kulahaayeen soo qabashada Ninkaas.
Sidoo kale saraakiisha Ciidamada waxaa ay sheegeen in Askarigan katirsan Ciidamada millateriga Soomaaliya ee ku eedeysan dilkii degmada Cabudwaaq loogu geystay taliye kuxigeenkii Ciidanka Nabadsugida Maamulka Galmudug ay Maxkamad horgeyn doonaan si cadaaladda loo marsiiyo.