Baydhowy-{WMN}- Booliska Somaliland ayaa gacanta ku soo dhigay dhallinyaro dhawaan dab qabadsiinayay goobo ganacsi ku yaalla bartamaha magaalada Hargaysa
Raggan ayaa waxaa qabtay Kamerada Qarsoon iyagoo ka koobnaa 4 dhalinyaro ah. iyagoo dab qabsad siinayay Meherada horteeda, waxaana gacanta lagu soo dhigay laba ka mid ah oo lagu kala magacaabo
1-Cabdilaahi Jaamac Cabdilaahi oo 20 jira ahna kii Dabka meherada ku waday.
2-Cabdiqani Faarax Maxamed oo Axmed 23 jir ah
“Dedaallo ay sameeyeen Ciidanka Booliska Somaliand ayaa Saacaddo gudahood gacanta kusoo dhigay labadan eedaysane halka ay ku raad-joogaan 2 eedaysane ee kale oo Ciidanku aqoonsaday, Waxaanan si degdega u horgaynaynaa sharciga” ayaa lagu yiri qoraal ka soo baxay booliska oo intaa ku daray in la baarayo sababta kooxdan ay dabka u qabadsiin rabeen goobtaas ganacsi
Taliska Ciidanka Booliska Somaliland ayaa u digay cid kasta oo isku dayda khalkhal gelinta Nabadgalyada, waxyeellada hantida shacabweynaha iyo wax kasta oo ka soo horjeeda jiritaanka Somaliland in ay ku qaban doonnaa gacan bir ah
“Ciidanka Boolisku waxa uu shacabka Somaliland guud ahaantood ku amaanayaa kala shaqaynta amniga