
Baydhabo-{WMN}-Hoos ka dhageyso Warka Fiidnimo ee Idaacada Warsan oo aqrinayo Sadam Hilal.

Wasaaradda Shaqada iyo Arrimaha Bulshada Xukuumadda Federaalka Soomaaliya ayaa soo saartay go’aan ay ku joojineyso in Shaqaale ama xoogsato Soomaaliyeed la qori karo ama dalka dibadiisa loo dhoofin karo si uu u Shaqeysto, sidoo kalena baabi’isay ruqsadihii iyo shatiyadii hore ee Wasaaradda Shaqada siisay Shirkadaha adeegga shaqosiinta dibedda.
Qoraal kasoo baxay Wasaaradda oo la ogeeysiiyay Shirkadaha Adeega Shaqasiinta Dibadda, Hay’adda duulista Rayidka, Hay’adda Socdaalka & Jinsiyadaha, Wasaaradda Amniga & Wasaaradda Arrimaha dibadda ayaa lagu sheegay in laga bilaabo 15-kii Bishaan oo ku beegneyd Talaadadii la soo dhaafay ka joojiyay Shaqaale ama xoogsato Soomaaliyeed in la qori karo ama Dalka laga dhoofin karo.
Wasaaradda oo qoraalkaan la wadaagtay hay’adaha ay quseyso ayaa sheegtay in Wasaradda oo ka duuleysa waajibaadka Qaran ee ka saaran Arrimaha Shaqada ee ay u xilsaarantahay, markii ay garawaaqsatay in ay muhiim tahay in la yareeyo xaddiga shaqa la’aanta ee ka jira dalka gudihiisa ee saameeyey nolosha Bulshada Soomaaliyeed ay dejisey Siyaasadda iyo Habraaca Guud ee Shaqosiinta Dibedda. Siyaasaddaas oo Golaha Wasiirada ansixiyeen 17-06-2021 saldhigna u ah hadafka guud ee ah in la ilaaliyo xuquuqda, badbaadada, sharafta iyo karaamada xoogsatada Soomaaliyeed ee daneyneysa in ay si sharci ah uga qeyb qaataan fursadaha shaqosiinta dibadda.
Wasaaradda ayaa sidoo kale sheegtay in si looga dhabeeyo hadafkaas Wasaaraddu ay weli ku guda jirto kuna hawlantahay sidii loo dhammeystiri lahaa waxyaaba lagama maarmaanka u ah dhaqangelingelinta Siyaasadda iyo Habraaca Cusub ee Shagosiinta Dibadda.
Ugu dambeyn Wasaaradda Shaqada iyo Arrimaha Bulshada Xukuumadda Federaalka Soomaaliya ayaa sheegtay in tallaabadaan ay u qaaday kadib markii ay u cadaatay inay jiraan Shirkado si sharci darro ah dalka uga dhoofiya Shaqaale Soomaaliyeed, iyada oo aan la ogeeysiin Wasaaradda Shaqada, sidoo kalena Wasaaraddu ogaato tacadiyo lagula kaco Shaqaalaha loo dhoofiyo dalka dibaddiisa.
Go’aankaan kasoo baxay Wasaaradda Shaqada iyo Arrimaha Bulshada Xukuumadda Federaalka Soomaaliya ayaa kusoo aadaya xilli horay dowladda Soomaaliya dalka dibaddiisa u dhoofisay gabdho Soomaaliyeed dalka Sacuudiga, kuwaas oo lagula kacay tacadiyo kala duwan.




Guddoomiyaha Gobolka Mudug ee Dowlad Goboleedka Galmudug Axmed shire Bukhaari ayaa sheegay in amniga guud ee gobolka Mudug ay duulaan ku yihiin Saddex kooxood oo isbaheystay, kuwaas oo uu sheegay inay dhibaato ku yihiin amniga gobolka.
Guddoomiyaha oo ka hadlayay kulan ka dhacay Magaalada Gaalkacyo ayaa sheegay in dhibaatada amni darro ee kajira Gobolka mudug ay sabab u yihiin Ururka Al-Shabaab iyo kuwo dano gaar ah leh, kuwaas oo uu sheegay inay tallaabo ka qaadi doonaan.
Ugu dambeyn Guddoomiyaha Gobolka Mudug ee Dowlad Goboleedka Galmudug Axmed shire Bukhaari ayaa ugu baaqay Bulshada Gobolka Mudug inay ka qeyb qaataan sidii loo sugi lahaa amniga Gobolka Mudug.

Labo qof ayaa lagu toogtay bartamaha magaalada Isfahan ee dalka Iiraan, saacado kadib markii shan qof lagu dilay weerar hubeysan oo ka dhacay Koonfur-galbeed ee dalkaas.
Dhacdadii ugu dambeysay waxay ka dhacday deegaanka Khane Esfahan kadib markii rag mooto watay oo ku hubaysnaa qoryaha fudud ay rasaas ku fureen ciidamada ammaanka, sida ay sheegayaan wararka deegaanka.
Labada nin ee la dilay ayaa labadooduba ka mid ahaa shaqaalaha Basij ee iskaa wax u qabso ah, waxaana lagu kala magacaabi jiray Mohsen Hamidi oo 54 jir ah iyo Mohammad Hossein Karimi oo 30 jir ah.
Ugu yaraan siddeed qof oo kale ayaa sidoo kale ku dhaawacmay weerarka, oo todobo ka mid ah ay yihiin ciidamada ammaanka iyo hal askari oo ka tirsan ciidamada Baasiji.
Madaxweynaha Iran Ebrahim Raisi ayaa tacsi u diray qoysaska dhibanayaasha, wuxuuna ka codsaday hay’adaha ammaanka inay si degdeg ah u caddeeyaan dembiilayaasha iyo hoggaamiyayaasha shilkaasi argagixisanimo, laguna wareejiyo nidaamka garsoorka.

Baydhabo-{WMN}-Barnaamijka Kulanka Warsan waxaad Caawa kaga boganidoontaan Wareeysiyo aad xasaasi u ah, khudbadiha shirarkii maanta Madaxda Somaliya ay ku qabteen Dalka iyo dibadiisa. waxaa Caawa soo saarey soona jeedinaaya Wariye Mohamuud Ali Abdullahi (Gaabshaa} Dhageysi wanaagsan.

Guddoomiyaha Gobolka Mudug ee Puntland Faysal Sheekh Cali oo ay wehliyaan qaar kamida Odayaasha Dhaqanka Gobolka Mudug ayaa safar ku gaaray degaannada Teerage iyo Bali-qurun oo hoostaga Degmada Gaalkacyo.
Deegaanadaan ayaa waxaa isku hor fadhiyey laba Beelood, kuwaas oo isku hayey Deegaamaynta dhul udhaxeeyey labada degaan, iyaga oo dhowr jeer wada dagaalamay.
Waftiga uu hoggaaminayo Guddoomiye Faysal ayaa kulamo ay la qaatay Nabadoonada iyo Bulshada labada degaan ee Teerage iyo Bali-qurun ku guulaystay in ay kala qaadaan Ciidamo Beeleedyo halkaa isku hor fadhiyey iyadoona la go’aamiyey in ay qayb ka noqon doonaan Shirka Nabadaynta Beelaha Gobolka Mudug oo gogoshiisu hadda ka furantahay Magaalada Bursaalax ee Gobolka Mudug.
Maamulka uu Hoggaaminayo Guddoomiyaha Amniga iyo Siyaasada Gobolka Mudug Faysal Sheekh Cali ayaa dhowr jeer ku guuleystay inay xaliyaan laba maleeshiyo Beeleed oo dagaalamay, iyada oo hadda ay socdaan shirar lagu dhex dhexaadinayo beelo dagaalamay.

Wasiirka Wasaaradda Awqaafta iyo Arrimaha Diinta ee Xukuumadda Soomaaliya Muqtaar Rooboow Cali Abuu Mansuur ayaa sheegay in waxkasta oo la sameeynayo xilligaan ay ka horreeyaan in la sugo ammaanka dalka.
Wasiirka oo hadal ka jeedinayay kulan ka dhacay Muqdisho ayaa sheegay in aysan nolol jirin ilaa ammaan la helo, wuxuuna ku baaqay in qof walba uu ka qeyb qaato sidii amniga dalka loo sugi lahaa.

Kusimaha Gudoomiyaha Gobalka Hiiraan ahna Guddoomiye ku-xigeenka siyaasadda iyo maaliyada Gobalka Hiiraan Xasan Ibraahim Cabdulle Gudoomiye ku-xigeenka Amniga Gobalka Hiiraan Axmed cabdala cismaan (Inji) Iyo Duqa magaalada beledweyne marwo Nadar Tabaax Maalin ayaa goob joog ka ahaa goob laamaha Amniga aay ku soo bandhigayeen Laguna gubayay Wax yaabaha maanka dooriyo oo laga soo qabtay Xaafadaha qaar ee Degmada beledweyne.
Taliyaha saldhiga booliska Degmadda Beledweyne L/X Bishaar Maxamed Jimcaale iyo wasiir ku-xigeenka Amniga Hirshabelle oo waday Dadaalo lagu sugayo Nabad-galyada Magaalada Beledweyne ayaa xusay Ahmiyada aay leedahay in laga hortago Qamriga xashiishka oo Qeyb ka ah amni darada wax yaabaha sababa.
Gudoomiye ku-xigeenka amniga Gobalka Hiiraan Axmed cabdala Cismaan inji ayaa u mahadceliyay laamaha amaanka asigoo xusay in laga hortagi doono wax walbo oo saameyn amni Keeni karo si loo xaqiijiyo amniga magaaladda beledweyne ee Xaruunta Gobalka Hiiraan.
Maayarka magaalada beledweyne marwo Nadar Tabaax maalin ayaa xoojisay in waxyaabahan Maanka dooriya aay dhibaato ku haayan Hormarka Magaalada midaas oo aay keeni karaan cafmaad Daro baahsan amni xumo iyo nadfaada magaalada oo hoos u dhacdo ayadoo xusay in Dowladda Hoose ee Degmada beledweyne aay laamaha Amniga kala shaqeeynayaan sidii loo xaqiijin lahaa Nabad-galyada magaalada beledweyne midaas oo Ah mid sare u qaadeeyso amniga iyo kobaca Hormarka magaalada beledweyne.
Ugu dambeyn guddoomiye ku-xigeenka siyaasadda iyo maaliyada Gobalka Hiiraan mudane Xasan Ibraahim Cabdulle ayaa sheegay in maamulka Gobolka Hiiraan uu dadaal badan Bixinayo amniga Gobalka Hiiraan lagana hortagi Doono wax walbo oo saameyn karo Nabad-galyada magaalada beledweyne asigoo u Mahadceliyay laamaha amniga Degmadda Beledweyne hormarada la taaban karo ee aay Ka Sameeyen amniga Magaalada Beledweyne.

Wasiirka Wasaaradda Kalluumeysiga iyo Kheyraadka Badda xukuumadda Federaalka Soomaaliya Ahmed Hassan Aaden oo ka duulaya dhiirgalinta maalgashiga shisheeye ee dalka ayaa is afgarad la saxiixday madaxa shirkadda China Beijing Chaoliang Holiding Mr. JZhuang Liang kaas oo ay shirkaddu ku maal galinayso kalluumeysiga dalka.
Heshiiskan oo ah isfaham laba dhinac leh islamarkaana waqtigiisu yahay muddo hal sano ah ayaa dhigaya in shirkadda Beijing Chaoliang Holiding (Group) hirgaliso xarumo lagu hagaajiyo kalluunka dalka, inay maalgalin xoogan ku sameyso wax soosaarka kalluunka Tuunaha kaasoo ah kalluun xilliyeed guur guura ayna wadaagaan dhammaan wadamada ku teedsan biyaha badweynta hindiya iyo in Maraakiibta shirkadda la siiyo ruqsado kalluumeysi iyadaoo loo marayo habraacyada sharci ee kalluumeysiga dalka.
Munaasabadda saxiixa Xaflada heshiiska oo ay goob joogayaal caalimi ah, khuburo kalluumeysi iyo wakiilada shirkadda China Beijing Chaoliang Holiding(group) co.ltd ka soo qeybgaleen ayaa Wasiirka Wasaaradda Kaluumaysigu faah faahin ka bixiyey muhiimada uu dalkeena u leeyahay iskaashiga noocan oo kale ah isagoo sheegay in kobcinta dhaqaalaha iyo ka faa’iideysiga kheyraadka badaha dalkeenu uu ka mid yahay tiirarka ugu horreeya ee qorshaha xukuumadda Dan Qaran iyo Madaxweyne Xassan Sheikh Maxamuud.
Wasiirka ayaa ku baaqay in si wadajir ah loola dagaalamo kalluumeysiga sharci darrada ah isagoo dhambaal diginin ah u diray dalalka ay maraakiibtoodu sifada aan sharciga ahayn ku soo galaan biyaha dalkeena gaar ahaan maraakiib jiriif ah oo waxyeelo wayn u geysta degaan badeedka iyo xeebaha dalka.
Madaxda Soomaalida ayaa inta badan isku khilaafa arrimaha la xiriira qeybiga kheyraadka dalka, waxaana dhowr jeer dowlad Goboleedyada qaarkood ay kasoo horjeesteen heshiiska Shidaalka oo dowladda Soomaaliya ay la saxiixatay shirkad laga leeyahay dalka Mareykanka.