
Wafdiga Wasiirka Gaashaandhigga Soomaaliya waxaa garoonka diyaaradaha ku soo dhaweeyay madaxda Safaaradda Soomaaliya ee dalka Itoobiya iyo Saraakiil ka tirsan wasaaradda difaaca Itoobiya.
Wasiirka oo ay wehliyaan mas’uuliyiin kala duwan ayaa kulamo la qaadan doona Madaxda sare ee dalka, isaga oo kala hadli doona arrimo la xiriira dagaalka ka dhanka ah Al-Shabaab.