
Guddiga ayaa ehellada 36 qof oo ku dhintay weerarkaas guddoonsiiyay taakulo lacageed oo dhan $2,000 midkiiba, taasoo qayb ka ah gurmadka ay Dowladda Soomaaliya u fidinayso dhibbanayaasha.
Mas’uuliyiinta guddiga ayaa intaa ku daray in aysan ku ekaan doonin taageeradan, balse ay Dowladda Soomaaliya si gaar ah ula socon doonto xaaladda qoysaska ay waxyeelladu gaartay, si loogu fidiyoSidoo kale, guddigu wuxuu horey u soo gaarsiiyay qoondo lacageed dadkii dhaawacyada culus ay ka soo gaareen weerarkii qaraxa, iyagoo ballan qaaday in ay sii wadi doonaan taageerada ay siinayaan dhammaan dadka ay dhibaatadu ka soo gaartay weerarkii Liido.
Kaalmada lacageed ee la gaarsiiyay ehellada ayaa ah mid muhiim u ah yareynta culeyska soo food saaray qoysaska, waxaana la filayaa in ay sii kordhaan dadaallada gurmadka iyo taageerada ay dowladda u fidinayso muwaadiniinta ay dhibaatadu saameysay.