
Taliyaha Guutada 9-aad ee Golle Dhexe, Yoonis Adan Xasan, ayaa si rasmi ah xariga uga jaray dhismaha cusub ee Taliska Ururka 96-aad, oo ay ka hawlgeli doonaan ciidanka Ururka 96-aad ee Guutada 9-aad. Sida la sheegay, xeradan cusub ayaa loogu talagalay in lagu dejiyaa ururka 96-aad, kuwaas oo muhiim u ah howlgallada ka dhanka ah Al-shabaab si loo xoojiyo amniga gobolka iyo guud ahaan dalka.
Dhismayaasha noocan oo kale ah waxay yihiin kuwo muujinaya dadaalka iyo isxilqaanka sare ee saraakiisha iyo ciidanka Guutada 9-aad, kuwaas oo si toos ah u hirgeliyay iyo u dhisay xeradan cusub. Tani waxay astaan u tahay dedaalkooda iyo ka go’naanshahooda sidii loo xoojin lahaa awoodda iyo tayada ciidanka, taasoo muujinaysa in amniga dalka la xoojinayo, gaar ahaan meelaha ay khawaarijtu ka jirto.
Dhismaha xeradan cusub wuxuu sidoo kale saameyn togan ku yeelan doonaa diyaarinta ciidamada iyo awoodda ay u leeyihiin ka qaybqaadashada hawlgallada muhiimka ah ee la dagaallanka argagixisada. Waxaa muuqata in hawsha ciidamada iyo maamulka gobolka ay si wadajir ah u fulinayaan qorshayaal lagu taageerayo xoojinta amniga iyo xasiloonida gobolka Bakool.
