
Xiisad dagaal oo u dhaxaysa Ciidamada dowladda iyo Al-Shabaab ayaa ka taagan tan iyo shalay deegaanka Sabiid oo ku dhaw degmada Afgooye ee gobolka Shabeellaha Hoose.
Dadka deegaanka ayaa ku jira xaalad cabsi ah, iyadoo qaarkood ay u carareen degmada Afgooye si ay uga badbaadaan dagaal suurta-gal ah inuu labada dhinac ku dhexmaro Sabiid oo hadda gacanta ugu jira Al-Shabaab, oo todobaad hore la wareegtay.
Dagaal xoogan ayaa ka dhacay deegaanka dhowr jeer, waxaana isaga baxay Ciidamada dowladda Soomaaliya kadib markii culeys badan lasoo saarey, oo la kulmeen weeraro joogta ah oo Al-Shabaab kusoo qaadey.
Sidoo kale waxaa laga barakacay degmada Awdheegle, oo ku dhaw Sabiid, iyadoo halkaasina ay ka jirta xiisad colaadeed, taasoo timid kadib markii Ciidamada dowladda isku dayeen inay dib u lawareegaan maamulka oo gacanta ugu jira Al-Shabaab.
Al-Shabaab ayaa bishii Ramadan kordhisay weerarada gobollada Shabeellaha Hoose iyo Shabeellaha Dhexe, iyadoo kooxda u suurtagashay inay dib ula wareegtay dhowr deegaanka, taasoo ka dhigay dharbaaxo ku ku dhacday awooda dowladda Soomaaliya.