
Hantidhowraha Guud ee JFS, Axmed Ciise Guutaale, iyo Hantidhowrayaasha Guud ee Dowlad Goboleedyada Soomaaliya ayaa maanta yeeshay kulan ku saabsan horumarinta xirfadda iyo aqoonta Xafiisyada Hantidhowrka ee labada heer ee dowladda Soomaaliya.
Kulankan ayaa diiradda lagu saaray sida ugu wanaagsan ee ay Xafiisyada Hantidhowrku uga wada faaโiideysan karaan “๐๐๐ซ๐ง๐๐๐ฆ๐ข๐ฃ๐ค๐ ๐๐จ๐ซ๐ฎ๐ฆ๐๐ซ๐ข๐ง๐ญ๐ ๐๐ข๐ซ๐๐๐๐๐ ๐ข๐ฒ๐จ ๐๐๐ฑ๐๐๐ซ๐๐ฌ๐ก๐๐๐ ๐๐๐ง๐ญ๐ข๐๐ก๐จ๐ฐ๐ซ๐๐ฒ๐๐๐ฌ๐ก๐” (Professional Education for SAI Auditors-๐๐๐๐) oo uu bixiyo Ururka Caalamiga ah ee Hayโadaha Hantidhowrka- (International Organization of Supreme Audit Institutions-๐๐๐๐๐๐๐), kaas oo xoogga saara tababarrada xirafadda Hantidhowrista, islamarkaana hormarinaya “Tabaha Fulinta Baarista Hantidhowrka, Hubinta Tayada iyo Heerarka Caalamiga ah ee Hantidhowrista Hayโadaha Dowladda”.
Dhinaca kale, Hantidhowraha Guud ee JFS waxa uu uga xog-warramay Hantidhowrada Guud ee Dowlad Goboleedyada Mashruuca Xoojinta Maamulka Khayraadka Guud ee Dowladda (Somalia Enhancing Public Resource Management Project-๐๐๐๐) oo uu Bankiga Adduunku Maalgeliyo, islamarkaana Xafiisyada Hantidhowrka Guud ee labada heer ee dowladda iyo Guddiga Maaliyadda ee Baarlamaanka Federaalka ay kamid yihiin hayโadaha dowladda ee ay tahay in ay ka faaโiideystaan, isaga oo ku dhiirageliyey in Xafiisyada Hantidhowrka Guud ee Dowlad Goboleedyada ay si fiican uga qayb qaataan.
Ugu dambeyn, Hantidhowrada Dowlad Goboleedyada ayaa uga mahadceliyey Xafiiska Hantidhowrka Guud ee JFS kaalinta hoggaamineed ee la xiriira horumarinta Xirfadda dhammaan hantidhowrada Soomaaliya iyo dhiirrigelinta ka faaโiideysiga taageerada farsamo si waafaqsan ๐๐ก๐๐ซ๐๐ข๐ฒ๐๐๐ ๐๐๐๐ซ๐๐ฒ๐ง๐ญ๐ ๐๐๐๐ฅ๐ข๐ฒ๐๐๐๐ ๐๐ฎ๐ฎ๐ ๐ข๐ฒ๐จ ๐๐๐ง๐ญ๐ข๐๐ก๐จ๐ฐ๐ซ๐ค๐ ๐๐ฎ๐ฎ๐.