

Dowladda Federaalka ah ee Soomaaliya waxay soo saartay qoraal ay ku bogaadisay dagaalkii shalay ka dhacay gobolka Hiiraan, kaasoo ay sheegtay inay khasaaro ku gaarsiisay Al-Shabaab.
Macwiisleyda oo gacan ka helaya Ciidamada Qalabka Sida ayaa kahor tagay weerarro ay galinkii dambe ee shalay xoogaga Al-Shabaab kusoo qaadeen deegaannada Muqliga Cali, Ceelhareeri, Hareeri Madoobe, iyo Garas-Magan oo dhammaantood ka tirsan gobolka Hiiraan ee Dowlad Gobaleedka Hirshabeelle.
