
Golaha Nabadda iyo Amniga ee Midowga Afrika ayaa si rasmi ah u ansixiyay in waddamada Jabuuti, Masar, Itoobiya, Kenya, iyo Uganda ay noqdaan dalalka rasmiga ah ee ciidamo u dira hawlgalka cusub ee nabad-ilaalinta Soomaaliya oo lagu magacaabo AUSSOM (African Union Support and Stabilization Mission in Somalia).
War-murtiyeed rasmi ah oo kasoo baxay golaha ayaa lagu sheegay in hawlgalka AUSSOM uu ka koobnaan doono ilaa 12,000 oo askari, kuwaasoo ka qeyb qaadan doona sugidda amniga Soomaaliya, gaar ahaan dagaalka lagula jiro kooxda Al-Shabaab ee xiriirka la leh Al-Qaacida.
Tirada ciidanka ee dal walba ku darsanayo ayaa lagu faahfaahiyay sida tan:
Uganda: 4,500 askari
Itoobiya: 2,500 askari
Kenya: 1,410 askari
Jabuuti: 1,520 askari
Masar: 1,091 askari
Golaha Nabadda iyo Amniga ayaa mar kale muujiyay taageeradooda buuxda ee go’aannadii dhawaan kasoo baxay Guddiga Isku-dubaridka Hawlgallada Soomaaliya (SOCC), iyagoo carrabka ku adkeeyay muhiimadda istiraatiijiyadeed ee AUSSOM u leeyahay dadaallada Dowladda Federaalka Soomaaliya ee lagula dagaallamayo Al-Shabaab.
Si kastaba ha ahaatee, goluhu wuxuu si weyn uga walaacsan yahay caqabadaha dhanka dhaqaalaha iyo agabka ah ee horeyba u saameeyay waxtarka hawlgalka.
Waxay ugu baaqeen waddamada xubnaha ka ah Midowga Afrika, saaxiibada caalamiga ah iyo hay’adaha deeq-bixiyeyaasha in si degdeg ah loo kiciyo taageerada dhaqaale iyo midda farsamo ee lagu guuleysan karo howlgalka AUSSOM.
War-murtiyeedku wuxuu xusay muhiimadda ay leedahay in la helo taageero joogto ah oo caalami ah, si loo xoojiyo dadaallada Soomaaliya ay ku sugayso xasilloonida iyo la-dagaallanka argagixisada.
Ansixinta rasmiga ah ee shanta waddan ee ciidanka geynaya ayaa ah tallaabo muhiim u ah dhismaha hawlgalka AUSSOM, kaas oo lagu beddelayo ATMIS dhammaadka sanadka 2025, si loo hirgeliyo qorshaha amniga ee ay Soomaaliya hormuudka ka tahay.