
Dowladda Mareykanka ayaa markale ku celisay inaysan bixin doonin wax maalgelin ah oo la xiriira hawlgalka nabad-ilaalinta ee Midowga Afrika ee Soomaaliya (AUSSOM), iyadoo weli ay jirto baahi dhaqaale oo gaaraysa $96 milyan, sida ay sheegeen ilo diblomaasiyadeed oo uu xigtay Africa Intelligence.
Shir dhawaan ka dhacay magaalada Washington oo ay iskugu yimaadeen wakiillo ka kala socday Midowga Afrika iyo Mareykanka, ayaa lagu xaqiijiyey mowqifkii Mareykanka ee hore loogu sheegay shir ka dhacay Kampala, halkaas oo laba diblomaasi Mareykan ah si cad u sheegeen in aan wax taageero ah la siin doonin hawlgalka illaa isbeddel lagu sameeyo qaab-dhismeedka maaliyadeed iyo midka hawlgaleed ee uu ku shaqeeyo.
Midowga Afrika ayaa dadaal ku bixiyey sidii uu uga heli lahaa ugu yaraan taageero qeyb ahaan ah oo Mareykanku bixiyo, hase yeeshee kulankaasi waxa uu ku dhammaaday natiijo la’aan.
Hawlgalka hadda la yiraahdo AUSSOM, oo horey loo oran jiray ATMIS, ayaa wajahaya xaalad maaliyadeed oo cakiran. Waxaa la sheegay in hawlgalkaasi uu leeyahay deyn gaaraysa $96 milyan, taas oo ay ku jiraan mushaarooyin dhowr bilood ah oo ciidamada aan la bixin. Arrintan ayaa walaac ka abuurtay dhinaca anshaxa ciidamada iyo sii socoshada hawlgallada.
Madaxwayne Yoweri Museveni oo ah hoggaamiyaha Uganda, kana mid ah dalalka ciidamo u dira Soomaaliya, ayaa la sheegayaa inuu si dhow ula socdo xaaladda, iyadoo muddo 60 maalmood ah ay ka harsan tahay waqtiga loo qorsheeyey in hawlgalka la dhimayo.
Xaaladda dhaqaale ee cakiran ayaa halis ku ah dadaallada lagu xasilinayo Soomaaliya, halkaas oo ciidamada Midowga Afrika ay muddo dheer ka qeyb qaadanayeen dagaalka lagula jiro kooxda al-Shabaab iyo taageerada dowlad-dhiska.