
Dagaalka ganacsiga ee Maraykanka iyo Shiinaha ayaa laga yaabaa inuu hakad galo, iyadoo labada waddan ee ugu dhaqaalaha badan dunida ay wada-hadallo uga billaaban doonaan Switzerland.
Saraakiisha sarsare ee ganacsiga labada dhinac ayaa ku kulmi doona maantay oo Sabti ah kulankii ugu horeeyay ee heer sare ah tan iyo markii madaxweynaha Mareykanka Donald Trump uu Shiinaha ku soo rogay canshuur bishii Janaayo.
Beijing ayaa markiiba ka falcelisay, waxana arintaasi ka dhashay ismariwaa xooggan oo labada dal uu midba midka kale ku soo rogay canshuuro. Canshuuraha cusub ee Mareykanka uu ku soo rogay badeecadaha Shiinaha uu soo dejiyo ayaa gaaraya 145%, qaar ka mid ah waxyaabaha uu Mareykanka u dhoofiyo Shiinaha ayaa wajahaya canshuur dhan 125%.
Waxaa jiray toddobaadyo dag, mararka qaarkoodna xamaasad leh, halkaas oo qolo kastaaba ay doneysay in ay tan kale u sawirto xaalad quus ah.
Wadahalku ma nqon doonaa mid mira dhala ?
In kasta oo ay jiraan arima badan oo middi middi ku tag ah, labada dhinacba waxa ay dirayeen calaamado muujinaya in ay doonayaan in ay ka gudbaan ismari waaga. Marka taas laga yimaado ma cadda cidda marka hore soo debci doonta.
“Labada dhinac midkoodna ma doonayo inuu u muuqdo in uu dib u laabanayo,” ayuu yiri Stephen Olson, oo ah oo k tirsan Machadka ISEAS-Yusof Ishak ee Singapore, horeyna u ahaan jiray wadaxajoodaha ganacsiga Mareykanka.
“Wadahadallada ayaa hadda dhacaya sababtoo ah labada waddan waxay ku qiimeeyeen inay hore u socon karaan iyagoon u muuqan inay is dhiibeen.”
Si kastaba ha ahaatee, afhayeenka wasaaradda arrimaha dibadda ee Shiinaha Lin Jian ayaa carrabka ku adkeeyay Arbacadii in “wadahadallada lagu qabanayo codsi ka yimid Mareykanka”.
Waxayna wasaaradda ganacsigu u qaabaysay sidii ay uga faa’iidaysan lahayd Washington, iyadoo sheegtay inay ka jawaabayso “baaqyada ganacsatada iyo macaamiisha Maraykanka”.
Si kastaba ha ahaatee maamulka Trump ayaa ku andacoonaya inay yihiin mas’uuliyiinta Shiinaha kuwa doonaya inay “ganacsi sameeyaan” sababtoo ah “dhaqaalahooda ayaa sii dhacaya”.

 
						 
						 
						 
						 
						 
						 
						 
						