
Senetarrada Maraykanka ayaa ansixiyay in Janaraal Dagvin Anderson oo ahaa Taliyaha ciidanka Cirka Dalkaas uu noqdo taliyaha ciidanka AFRICOM ee ka howlgalla qaaradda Afrika.
Madaxweynaha Maraykanka Donald Trump ayaa soo jeedinta Magacaabista u gudbiyay aqalka Senate-ka dalkaas oo ugu dambeyn ansixiyay, waxa uu tagi doonnaa xerada ugu sarreysa ciidanka AFRICOM ee Stuttgard Dalka Jarmalka.
Dagvin Anderson ayaa u mahadceliyay Senatarada Maraykanka, waxa uu sheegayin in xoogga uu saarayo soo kordhinta waxyaabaha loo baahan yahay sida tayaynta howlgalka, la shaqaynta saaxiibada garabka siiya iyo kuwo kale.
Anderson waxa uu ka qaybgalay howlgallada Maraykanka uu ka sameeyay Dalal kala duwan oo ay ka mid yihiin Afgaanistaan iyo Iraaq. Ciidanka AFRICOM ayaa fuliya howlgallo duqeymo ah, waa sarkaalkii ugu horreeyay ee hoggaamiyaha ciidankaan ee xilkaas sare soo qabtay.
Qodobo ku saabsan Taliyahaan iyo Taliska uu qabtay ee AFRICOM:
Dagvin Anderso waa taliyihii ugu horreeyay ee AFRICOM hoggaamiya isaga oo xubin ka ah ama soo hoggaamiyay Ciidamada Cirka dalka Mareykanka, Lixdii taliye ee soo maray howlgalkaan afar kamid ah waxa ay ahaayeen Ciidamada kale iyo labo ka timid dhinaca Ciidanka Badda.
Waxaa hoostaga talisyada ciidamada 19aad ee howlgallada qaaska fuliya ee fadhigoodu yahay Florida, Kooxda 58aad ee ciidanka cirka ee deggen New Mexico & Ciidamada kale ee sida hoose ula shaqeeya taliska AFRICOM.
Dagvin Anderson waxaa horyaalla wax ka baddelka ciidamada Maraykanka ee AFRICOM oo sanadihii u dambeeyay howlgalkooda aan u firfircooneen sidii hore, waa shaqsi siyaasad ahaan isku dhow yihiin Madaxweyne Donald Trump sida hadalka loo dhigay.
