
Xilli ay dhowaan Dowladda Federaalka Soomaaliya ku amartay jaamacadaha dalka in ay horumariyaan barashada Luuqadda Sawaaxiliga, ayaa arrintaasi faahfaahin dheeraad ah ka bixiyay Safiirka Soomaaliya ee dalka Tansaaniya, Danjire Ilyaas Cali Xasan.
Safiirka ayaa qoraal uu ku daabacay bartiisa rasmiga ah ee Facebook ku sheegay in Luuqadda Sawaaxiliga ay ka mid tahay afafka rasmiga ah ee Ururka Bulshada Bariga Afrika (EAC), oo ay Soomaaliya si rasmi ah uga mid noqotay.
โTan waxay ka dhigan tahay in Soomaaliya ay waajib ku tahay barashada iyo horumarinta Luuqadda Sawaaxiliga, si loo fududeeyo is-dhexgalka iyo wada-shaqeynta gobolka,โ ayuu yiri Safiirka.
Danjire Ilyaas wuxuu intaas ku daray in tallaabada lagu darayo Sawaaxiliga manhajka waxbarashada ay gacan ka geysan doonto kor u qaadidda xiriirka dhaqan, ganacsi, iyo bulsho ee Soomaaliya la leedahay dalalka kale ee Bariga Afrika.
Goโaankan waxaa horey ugu dhawaaqay Madaxweynaha Dowladda Federaalka Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud, oo ku baaqay in Jaamacadda Ummadda Soomaaliyeed iyo dhammaan jaamacadaha kale ee dalka ay hormuud ka noqdaan barashada iyo horumarinta Luuqadda Sawaaxiliga.
Madaxweynaha ayaa sheegay in barashada Sawaaxiligu ay Soomaaliya ka caawin doonto horumarinta ganacsiga, waxbarashada, iyo xiriirka istiraatiijiga ah ee gobolka.