
War saxaafadeed ka soo baxay Taliska Hayโadda NISA ayaa lagu sheegay in duqeyn ka dhacday Gobolka Shabeelada Dhexe lagu dilay Horjoogayaal sare oo ka tirsan Al-shabaab.
โCiidanka Hayโadda Sirdoonka iyo Nabadsugidda Qaranka (NISA) oo kaashanaya saaxiibada caalamiga ah ayaa xalay howlgal qorshaysan ka fuliyay deegaanka Basra ee Gobolka Shabeellaha Dhexe, waxaana lagu dilay Toddobo xubnood oo isugu jiray horjoogeyaal iyo maleeshiyaad ka tirsanaa Khawaarijta, halka Saddex kalena ay ku dhaawacmeen, kaddib markii si toos ah loo bartilmaameedsaday goobtii ay ku dhuumaaleysanayeen.โAyaa lagu yiri qoraalka.
Sidoo kale qoraalka NISA ayaa lagu yiri โHowlgalka ayaa la qaaday markii la helay xog Sirdoon oo xaqiijisay in Khawaarijtu ay qorsheynayeen falal amniga lagu carqaladeynayo oo ay ka sameenayaan inta u dhaxaysa Muqdisho iyo Balcad. Maleeshiyaad tiro ahaan gaarayay 40 xubnood ayaa lagu diyaarinayay goobta weerarka laga fuliyay, waxaana howlgalka lagu burburiyay teendhadii ay Khawaarijtu ku dhuumanayeen.โ

Bayaanka ayay ku sheegtay โHowlgalkan ayaa kusoo dhammaaday si guul ah, iyada oo Ciidanka Hayโadda Sirdoonka iyo Nabad-sugidda Qaranka (NISA) ay si buuxda uga hortageen qorshihii Khawaarijtu ay ku doonayeen in ay ku fuliyaan falal argagixiso. Inta uu howlgalka socday ma jirin wax khasaare ah oo soo gaaray shacabka.โ
xigasha – VOA Sโmali